Gen. Dhega-badan iyo Taliyaha Ciidamada Nabadsugida oo la soo Weeraray

MUQDISHO (Keydmedia) - Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan iyo Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa ka badbaaday Weeraro kala duwan lagu dili lahaa oo ka dhacay Maanta inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Warar Keydmedia Online

Weerarkii ugu horeeyay ayaa ka dhacay meel u dhow Siinka-dheer ee Duleedka magaalada Muqdisho kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda la jebiyay ee Al shabab ay weeraro gaadmo ah ku qadeen Kolanyo Gaadiid ah oo uu la socday Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan.

Dadka Deegaanka Siinka-dheer ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al shabab ay saakay Wadada u galeen Kolonyadaasi oo kusii jeeday Degmadda Afgooye,iyadoo halkaasi uu iska hor imaad muddo socday dhex martay Ilaalada Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo Kooxdii Shababka ee weerarka kusoo qaaday.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan ayaa u sheegay Warbaahinta in Weerarkaasi uu jiro balse Khasaaro Nafeed uusan kasoo Gaarin isaga iyo Ciidankiisa,balse waxa uu tilmaamay in 5 Askari ay kaga dhaawacmeen.

Wararka ayaa Sidoo kale sheegay Al shabab Maanta waxa ay Jidka u galeen Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa isna lagu weeraray nawaaxiga Jaamacadii Lafoole, waxaana weerarkaasi ka dhashay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn Khasaaraha inta uu la egyahay illaa hadda.

Weerarkan danbe ayaa waxaa lagu gubay dhowr Gaadiidka Raaxada ah oo la socday Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.