Jubbaland: Dhul dadkiisa hurdaan

Axmed Madoobe qoriga iyo taangiga Kenyaatiga buu ku qabsaday Kismaayo 2012, wuxuuna ku gumaadey dadkii deganaa magaaladda boqolaal sano.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland: Dhul dadkiisa hurdaan

KISMAAYO, Soomaaliya - Nidaamka qabiilka [4.5] ee ay isku tiiriyaan qolooyinka tiro badan ayaa beelaha laga tirada badan yahay weli ka horjoogsanaya in ay si wax ku ool ah uga qayb qaataan siyaasadda iyo awoodda dalka.

Jubbaland oo ay degaan qabiilo badan oo Soomaaliyeed baa noqotay meel ay is lahaysiiyeen Beelaha Daarood, oo 25-kii sano ee ugu dambeyay isku bed-bedalayay maamulka, waxaana soo maray Moorgan, Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo hadda xoog ku haysta.

Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku nool Jubbaland in ka badan hal milyan, waxuuna dhulka ku fadhiso gaaraya 110,293 km2, waa meel barwaaqo badan oo webiga Jubba ku dhamaado Gobweyn, duleedka Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa Goobweyn ku damaashaaday Shalay, iyagoo u muujinaya shacabka dulman sida ay ugu raaxeysanayaan awoodda ay ku haystaan Jubbaland, waxayna sameeyeen bandhig ah in dhulka uu yahay dhu Daarood.

Dadka ku dulman Jubbaland waxay noqdeen sida Cowskii dushiisa Maraadiga ku dagaalamaya, mudo dheer ayay aamusnaayeen oo maaro iyo muruq u waayeen inay xaqooda dhacsadaan, oo iska celiyeen kuwa kusoo duulay, ee ku beeraya degaankooda dad meel kale laga keenay.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Beelahooda u qeybinaya kuraasta Xildhibaanada Jubbaland laga soo dooranayo dhawaan, waxayna Kismaayo kawadaan hadda qorsho arintaasi ku aadan, sida Keydmedia Online xogta ku heshay.

Gollihii Wasiiradda uu Axmed Madoobe soo dhisay dhawaan waxay 17 kamid ahaayeen Daarood, halka dhamaan beelaha kale ee dega Jubbaland u siiyay 7 xubnood ama Wasiir, waxayna tani ku tusinaysaa sida looga adkaadey dadkii degaanka loogu yimid.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.