Jubbaland oo soo dhaweysay heshiiska DF iyo Musharixiinta

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay heshiishka ay wada gaareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo soo dhaweysay heshiiska DF iyo Musharixiinta

KISMAAYO, Soomaaliya – War ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay heshiika ay xalay Magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen sii-hayaha xilak Ra’iisul Wasaaraha Rooble ‘Rogane’ iyo Goalaha Midowga Msharixiinta..

“Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray  Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho”. ayaa lagu yiri war ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland.

Jubbaland waxa ay ugu baaqaday Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday in badasho dhaqanka ay kula macaamisho Mucaaradka iyo xallinta caqabadaha ku xeeran qabashada Shir Wadatashi oo loo dhanyahay.

“Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka”.

Dowladda Fadaraalka waxa ay u sheegatay in ay ogolaato in Mushariixnta Mucaaradka ah iyo Saamileyda kalaba ka qeyb galaan go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.

“Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada”. ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.