Kala firxad ka billawday Golaha Wasiirrada Koofur galbeed

Shiine Macalin iyo Wasiir Ilyaas labaduba waxa ay qaraabo dhow la yihiin musharrax Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo Jimcihii ilaaladiisa la laayay, Farkeeti wuxuu hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Dowladda dhexe 27 January 2015 – 29 March 2017.

Warar Keydmedia Online
Kala firxad ka billawday Golaha Wasiirrada Koofur galbeed

BAYDHABO, Soomaaliya – Kala firxad iyo shaqo ka tagis, eedo warbaahinta la isku marsiiyo iyo guux siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhex billowday Golaha Wasiirrada maamulka Koofur galbeed kadib dagaalkii jimcihii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wasiirka Warfaafinta KGS Ilyaas Cali Nuur ayaa xalay ku dhawaaqay in uu isaga tagay shaqadii uu u hayay maamulka waqtigu ka dhamaaday ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna is casilaaddiisa u aaneeyay xiisadda ka aloosan Baydhabo.

Wasiir Ilyaas oo ahaa masuulka ugu caansan Wasiirrada Laftagareen aadna u isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in todobo ruux uu Laftagareen ku dilay isla-markaana uu 10 kale ku dhaawacay guriga Maxamed Aadan Farkeeti oo Jimcihii dagaalku ka dhacay.

“Muddo kordhinta Laftagareen waxa ay la mid tahay middii Farmaajo, Xildhibaanno ayaa kordhiyay kuwo kalana waa diideen, marka haddiiba shacabkii iyo siyaasiyiintii ka soo hor jeesteen waa in doorasho la aado muddo kordhintana la iska ilaawo”, ayuu yiri Ilyaa.

Dhanka kale, sida ay ogaatay Keydmedia Online waxaa magaalada Baydhabo ku sugan siyaasiin hubeysan oo uu ka mid yahay Shiine Macalin Nuuroow oo horey usoo noqday guddoomiyaha Bakool, kaasoo si weyn uga soo hor jeeda taliska Cabdicasiis Laftagareen.

Shiine Macalin iyo Wasiir Ilyaas labaduba waxa ay qaraabo dhow la yihiin musharrax Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo Jimcihii ilaaladiisa la laayay, Farkeeti wuxuu hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Dowladda dhexe 27 January 2015 – 29 March 2017.

Laftagareen wuxuu Golahiisa Wasiirrada ka raacdeeyay wasiir Dowlihii Arrimaha Gudaha iyo wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, kuwaas oo muujiyay in aysan ku qanacsaneyn sifada uu doonayo inuu kursiga ugu sarreeya Koofur galbeed ku sii joogo.

Xoguhu waxa ay intaas ku darayaan in saacadaha soo socda la filayo in ay shaqada isaga tagaan xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, xilli ay xusid mudan tahay in ay sii xoogeysanayaan Xildhibaannada ka soo horjeestay muddo kordhinta Laftagareen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.