Kalluumeysato si sharci darro uga kalluumeysanayay Puntland oo lasoo qabtay

Kalluumeysato si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Puntaland  ayey soo qabteen ciidamada ammaanka xeebaha ee Puntland

Warar Keydmedia Online
Kalluumeysato si sharci darro uga kalluumeysanayay Puntland oo lasoo qabtay

GAROWE, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka badda Puntland (PMPF) ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku dhigeen 10 doonyo iyo shaqaalihii la socday, kuwaasi oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya dhalasho ahaana kasoo jeeda dalka Yemen

Hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey si sharci daro ah xeebaha Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Ciidanka badda ee Puntland.

Ciidanka PMPF ayaa horey dhowr jeer sidaan oo kale howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay doomo kalluumeysi iyo shaqaalihii la socday oo u dhashay waddanka Yemen, iyagoona muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah ka waday xeebaha Bari iyo Sanaag ee Puntland.

Muwaadiniinta u dhalatay waddanka Yeman ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalladii ka qarxay waddankaasi waxay kusoo qulqulayeen waddamada Soomaaliya iyo Jabuuti iyagoo ka baxsanaya dagallada waddankooda ka billowday, iyadoo sidoo kalena ay kalluumeysigan sharci darrada ah ay soo korortay kaddib dagalladii ka qarxay waddanka ee u dhaxeeyay dowladdii Yeman iyo Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagallanta waddanka Yeman.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.