Kalluumeysi sharci darro ah - Tooshka Odawaa

Odawaa wuxuu Wasiirka Cadaaladda ugu baaqay inuu tallaabada ku habboon ka qaado boobka tooska ah iyo midka dadban ee ku socda kalluunka Soomaaliya iyo guud ahaan falalka sharciga baal-marsan ee ka dhex socda badda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Kalluumeysi sharci darro ah - Tooshka Odawaa

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo hadal kooban xalay ka jeediyay munaasabad lagu taageerayay Wasiirka Cadaaladda Xasan Macallin Maxamuud ayaa  sheegay in dad gaar ah iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo gacan saar la leh shirkado shisheeye ay boob ku hayaan kalluunka Soomaaliya.

Cadiraxmaan Odawaa oo hadda ah gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan heshiisyo baal-marsan “Sharciga Kalluumeysiga Badaha Soomaaliya”, kuwaasoo ay saxiixeen qaar ka mid ah Dowlad gobolleedyada, isla-markaana ay fududeeyeen shaqsiyaad saameyn gaara leh oo qaatay lacagata loo yaqaan Signing Bonus.

“Waxyaabaha lagu heshiiyay qeybsiga kheyraadka ayaa ka mid ah, kheyraadka dalka nin ayaaba raba inuu shidaalka Contract-igiisa bixiyo Bonus-kana uu isagu qaato, Dowladda Federaalkana aysan waxba u soo harin, waxaan heynaa Documents ay ku qoran yihiin lacago kala duwan oo baal-marsan sharciga iyo heshiiska Kalluumeysiga Badaha Soomaaliya”, ayuu yiri Odawaa.

Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay keentay in Dowlad gobolleed kasta bixiyo fasax isaga u gaar ah, isla-markaana ay saylad iyaga u gooni ah ka dhigeen biyaha, “Aniga ayaa arkay iyada oo la leeyhay maamul hebelba intaas ayuu ku bixiyaa waa in aan inaguna intaas ku bixinno, xoolaheenni waaye waxa la iibinayo, qofka Soomaaliga ahna ma oga inuu kalluunka isagu leeyahay”, ayuu ku sii daray.

Odawaa wuxuu Wasiirka Cadaaladda ugu baaqay inuu tallaabada ku habboon ka qaado boobka tooska ah iyo midka dadban ee ku socda kalluunka Soomaaliya iyo guud ahaan falalka sharciga baal-marsan ee ka dhex socda badda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Kalluumeysiga sharci darrada ah, ee ay wadaan Maraakiibta shisheeye ee ku daaban shaqsiyaadka Soomaalida ah.

Warbixin uu daabacay Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda sannadkii 2020-kii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay lumineyso $ 300 milyan sanadkii dakhliga kalluumeysiga. Dukumeentiga ayaa sheegaya in Soomaaliya ay kalluunka ka hesho qiyaastii $135 milyan sanadkii, taasoo ka dhigan in dhakhliga ka soo xarooda boobka uu ka badan yahay midka sharciga ah.

Sida ku xusan warbixin ay qortay Global Initiative oo la sii daayay bishii Luulyo 2021, kadib markii ay si joogto ah hoos ugu dhacayeen weerarrada burcad badeedda Soomaalida, tan iyo 2012, maraakiibta kalluumeysiga shisheeye ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo laabtay biyaha Soomaaliya, taasoo keentay in ay si fudud u helaan shatiyo kalluumeysi oo sharci-darro ah.

Awooda Dowladdnimo oo liidata iyo Soomaaliya oo aan lahayn ciidan badeed kontorooli kara xeebaha dalka, ayaa noqday fursad ay Maraakiibta Shisheeye uga faa'ideysan karaan Kheyraadka ceegaaga badda Soomaaliya oo dherarkeedu gaarayo 3,333KM, taas oo sidoo kale shisheeyuhu si joogto ah ugu shubaan haraadiga warshadaha ay ka soo fogeeyaan dalalkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.