Kalluun ku bedello Qaad!

Baaritaan ay sameysay Keydmedia Online ayaa lagu sheegay in maalin walba in ka badan 16 diyaaradood oo Qaadka [Miraa] ah ay kasoo degi jireen magaalada Muqdisho, kuwaasoo keena ilaa 13,000 oo kiish oo maandooriyaha ah, taasoo qiimaheedu dhan yahay $400,000.

Warar Keydmedia Online
Kalluun ku bedello Qaad!

NAIROBI, Kenya - Heshiska cusub ee Soomaaliya la gashay Kenya ayaa abuurey hadal-deyn ku saabsan in Kulluun lagu bedesho Qaadka, oo ah maandooriye dib u dhac u keenay shacabka, oo aafo ku ah dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Amniga dalka.

Sanad kahor, sidan oo kale ayay dowladdii Farmaajo heshiis noocan ah ula gashay Itoobiya, mana la arkay Kalluun ka dhoofaya malain walna Garoonka Aadan Cadde oo Addis Ababa kusii jeeda, balse waxaa la arkay diyaarado Qaad wada oo soo degaya.

Waa kuma dalka faa'idada ugu jirta in Maadooriye laga bedesho Kalluun? Waa su'aasha dadweynaha Soomaaliyeed is-waydiinayaan, oo la leeyayay dowladda waxay ku  ku gorgortamaysaa wax aan marna la isku-bedelan karin.

Haa waa wax fiican oo loo baahan-yahay Soomaaliya oo deriskeeda nabad iyo heshiis la ah, laakiin taasi macnaheedu maaha in danaha asaasiga ah loo dhaafto ama looga tago, sida ay aaminsanyihiin qubarada siyaasadda.

Baaritaan ay sameysay Keydmedia Online ayaa lagu sheegay in maalin walba in ka badan 16 diyaaradood oo Qaadka [Miraa] ah ay kasoo degi jireen magaalada Muqdisho, kuwaasoo keena ilaa 13,000 oo kiish oo maandooriyaha ah, taasoo qiimaheedu dhan yahay $400,000. Waxay noqonaysaa sanadkii 12-milyan oo dollar.

Soomaaliya oo dal sabool ah, oo burbur kasoo jiray 30 sano in intaas oo lacag kaasha ah uga baxayso Qaad, waa wax aad dunida ula yaabtay. Kenya Adduunka kale Qaad uma dhoofiso, waxay u dhoofisaa Ubax iyo Kalluun.

Uhuru iyo Xasan Sheekh Heshiiskoodii shalay waxaa qeyb ka ah in duulimaad toos ah ay diyaaradda Kenya airways ku sameyso Muqdisho, iyadoo dadka Soomaalida ah lagu dhibaateyn jiray safarka, iyadoo lasoo marsiin jiray Wajeer.

Haddii la billaabo dhoofinta Kalluunka, waxay taasi waddada u furaysaa badeecooyin kale oo laga dhoofin karo Soomaaliya, sida dalagyada beeraha iyo xoolaha nool, oo la ogyahay in Kenya iyo Itoobiya horey u diideen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.