Kaluumeysatada Cadale “Qalab ha nagula taageero”

Dadka iyagu ka kalumeysta Degmada Cadale oo ka mid ah Degmooyinka dhanka Xeebta ku yaala ee gobalka Sh.dhexe ayaa xiligan waxa ka cabanayaan qalabka ay ku shaqeestaan oo taya ahaan liita.
Warar Keydmedia Online

Kaluumeysatadan qaarkood oo ay warbaahinta la kulantay ayaa waxa ay qeyla dhaan xoogan ka muujiyeen tayada qalabkooda iyagoona intaa ku daray in xiligan oo ay dabeeshu tahay mid xoog leh qalabka ay heestaan aanu suurta gal uga dhigi karin in ay si wanaagsan u kaluumeestaan.

Dhanka kale waxa ay muujiyeen ashtako ka dhan ah ciidamada Shisheeye ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya kuwaa oo iyagu la tilmaamo in ay dagaal kula jiraan burcad badeeda Soomaalida waxaana ay sheegeen in ciidamadaasi xiliyada qaar qalabkooda ay ka cilad galiyaan.

Ugu danbeyntii waxa ay ka dalbadeen Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo ay suurta gal tahay in ay ka saacidaan dhanka horumarinta qalabka in laga gacansiiyo si wax soo saarkooda uu u hagaago.

 

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.