Kambaala: Boorso laga shakiyay oo lagu arkay Xaafada Soomaalida ay degto

Kambaala(keydmedia) Waxaa xalay magaalada Kambaala ee caasimada Uganda xaafad ka tirsan Booliska dalkaasi ay ku qabteen boorso looga shakiyay in ay ku jiraan walxaha qaraxa taasoo booliska ay iminka baarayaan.
Warar Keydmedia Online

Boorsadan ayaa lagu arkay xaafada Kasiya ee ay soomaalida degto iyadoona baaritaan ay ku hayaan iminka Booliska iyadoona aanay ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah ka bixin booliska boorsadaasi iyo waxyaabihii ku jiray.

Dhanka kale isla xaafada Kisiya waxaa xalay ka kacay Dab sababay qasaaro burbur oo soo gaaray Soomaalida halkaasi dagan iyadoona dabkaasi oo aan la ogeyn waxa uu ka kacay ay ku geeriyoodeen 3 cunug oo u dhalatay Dalka Uganda.

Xili danbe ayaa kooxaha dab damiska waxa ay ku guuleesteen in ay damiyaan dabka iyadoona aan ilaa iyo hadda aan la ogeyn qiimeynta qasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.