Kenya oo dib usoo nooleysay Kiiska BADDA

Tani ayaa muujinaysa in Kenya ay sahmin shidaal ka wadey xuduud-badeeda ay leedahay Soomaaliya kadib xukunkii Maxkamadda ICJ October 2021.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo dib usoo nooleysay Kiiska BADDA

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa ku guul darreysatay in ay shidaal iyo gaas la hesho xuduud badda Soomaaliya, oo sannado badan xuddun u ahaa muranka lagu soo gabagabeeyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda [ICJ] bishii October ee 2021.

Baaritaanno seismic ah oo laga sameeyay ceelka Mlima-1, oo loo yaqaan Block L11B ee Lamu Basin, ayaa daaha ka qaaday in ceelasha ay qalalan yihiin, taas oo soo afjartay 10 sano oo shidaal laga raadinayey xeebta, waxayna noqotay sahamin ay ku qasaartay Kenya.

Maamulka Tamarta iyo Batroolka (Epra) ayaa sheegay in ENI Kenya Business Venture (BV), oo hore u ahaan jirtay Agip, ay laashay mashruuca ka hor bartamihii sanadkan, ka dib markii ay ku guuldareysatay inay hesho Saliidda iyo Gaaska ku jira aagga lagu muransanaa.

Waxa ay siisay Eni ogolaanshaha sahaminta 2012, iyada oo ay ka soo horjeeday heshiiskan dawladda Soomaaliya oo ku eedeeysay xiligaas in Kenya ay si sharci darro ah ku bixinayso baloogyadaas.

Kenya ayaa bishii December ee sanadkii hore sare u qaaday howlo shidaal baaris ah oo ay ka waday xuduud-badeedda Soomaaliya, todobaadyo ka dib markii ay diiday go’aan ka soo baxay Maxkamadda ICJ oo go’aamisay in Soomaaliya ay ku adkaatey dacwadda badda, oo la gudbiyay 2014.

ENI ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore ku hawlanayd khariidaynta kaydka saliida iyo gaaska ee Lamu Basin xili ay Somaliya loo xukmiyay inay leedahay intiisa badan xuduud xeebeedka lagu muransanaa oo gaaraya 100,000 kiiloo-mitir oo laba jibbaaran.

Tani ayaa muujinaysa in Kenya ay sahmin shidaal ka wadey xuduud-badeeda ay leedahay Soomaaliya kadib xukunkii Maxkamadda ICJ October 2021.

Bilawga sahamintan ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana lagu eedeeyay xukuumadda Nairobi inay ku xad-gudbayso kheyraadka dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa hadda looga fadhiyaa inay ka hadasho arintan banaanka soo dhigtay inay wali shidaal baaris kawado xuduud badeeda dalka, iyadoo iska indha-tiraysa go'aankii ay gaartey ICJ.

Keydmedia Online ayaa ahayd warbaahintii ugu horeysay oo 10 sano kahor Kiiska Badda si qoto-dheer uga hadashay, islamarkaana banaanka soo dhigtay xogo badan oo shacabka Soomaaliyeed ka qarsoonaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.