Kenya oo loo qabtay 48 saac inay dalkeeda uga saarto Janan

Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxday xabsi ku yaalla Muqdisho horaantii sanadkan ayaa abaabul dagaal ka wada gudaha Kenya, si uu u qabsado Beled-Xaawo.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo loo qabtay 48 saac inay dalkeeda uga saarto Janan

MANDHEERA, Kenya - Shacabka ku nool Mandheera, ayaa u qabtay dowladda Kenya inay 48 saac gudahooda ay dalka uga saarto Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, oo magaaladda ka wada abaabul dagaal.

Dadka ayaa walaac ka muujiyay dagaal suurta-gal ah inuu ka dhaco magaaladda, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo Soomaaliya, hadii Janan iyo Malleeshiyaadkiisa kusii sugnaadaan.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo Militeri oo labada dhinac ay ka sameynayaan magaalooyinka xuduuda ku teedsan.

Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay Ciidamo dheeri ah geeyeen xuduudahooda, iyadoo taliyaha Ciidamada Kenya Robert Kibochi todobaadkan booqday magaalada Mandheera.

Xiisad ayaa ka taagneyd magaalada xadka ku taalla mudo dhowr bilood ah, laga soo bilaabo iska hor imaadkii dhimashada badan sababay, ee horaantii sanadka ku dhaxmaray Beled-Xaawo Ciidamada Janan iyo kuwa dowlada Federaalka, iyadoo colaadda ku sii fiday dhanka Mandheera.

Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeeysay Kenya inay abaabushay Maleeshiyo ku sugan Mandheera oo uu wato Janan, si ay u weeraraan Beled-Xaawo iyo xarumaha kale ee Ciidamada dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.