Kenya oo qabatay Dagaalyahano ajnabi ah oo ka baxsaday Al-Shabaab

Booliska ayaa sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana Ciidamo badan oo ammaanka ka tirsan la geeyay xadka.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo qabatay Dagaalyahano ajnabi ah oo ka baxsaday Al-Shabaab

GARISSA, Kenya - Ciidanka Booliska Kenya ee ka howlgala magaalooyinka Wajeer iyo Garissa ayaa gacanta ku dhigay lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Qabashadda raggan ayaa timid xili Kenya ay kordhisay heerka feejignaanta iyo amniga xuduudka, si looga hortago firxadka Al-Shabaab ee kasoo cararay howlgallada ka socda dalka Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in lixda qof la qabtay xilli ay isku dayayeen in ay u baxsadaan gudaha Kenya kadib markii ay kala kulmeen dhibaato xerooyinka tababarada ee Al-Shabaab.

Kooxda argagixsada ayaa xubno ka qorataa Tanzania, Kenya, iyo Ethiopia iyagoo u ballan qaada mushaar aad u badan, balse marka ay yimaadaan xerooyinka tababarka ayay beddelaan maskaxdooda, taasoo keenta inay u baxsadaan Kenya.

Yuusuf oo 38 jir ah oo u dhashay dalka Tanzania ayaa bishii November lagu xiray magaalada Libooya ee ismaamulka Garissa, iyadoo saddex ka mid ah saaxiibadiis ay baxsadeen.

Shan kale oo u dhashay Itoobiya ayaa laga soo qabtay xadka kadib markii ay ka baxsadeen Al-Shabaab.

Nuur Cismaan Chawo, Suleymaan Kaduu Shaale, Maxamed Cabdulqaadir Jibich, Ridwaan Xaaji Cabdulbaasir, iyo Anwar Jamaal Xaajiwadow ayaa booliska u sheegay in la qoray oo loo qaaday Soomaaliya si ay tababar ugu qaataan.

Saraakiisha Booliska ayaa hadda xogta ay ka heleen dadka la tuhunsan yahay u isticmaalaya in ay ku wanaajiyaan ilaalinta xuduudaha, gaar ahaan waddooyinka iyo meelaha ay suurtagal tahay in dagaalyahannada ka baxsanaya Soomaaliya ay soo galaan dalka.

Booliska ayaa sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana Ciidamo badan oo ammaanka ka tirsan la geeyay xadka.

In ka badan 50 dhalinyaro ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka baxsadeen xeryaha ay kooxda argagixisada ah ku tababari jirtay, waxaana la bilaabay howlgalo lagu soo qab-qabanayo tuhmanayaasha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.