KGS oo guluf dagaal ka billaabeysa Bardaale

Go’doominta joogtada ah ee Al-Shabaab ay ku hayso qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa abuurtay sicir barar waxayna uga sii dartay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka oo uu sidoo kale saamaayey Covid-19 iyo dagaalka Ukraine.

Warar Keydmedia Online
KGS oo guluf dagaal ka billaabeysa Bardaale

BARDAALE, Soomaaliya - Wafdi ka socda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga maamulkaas, Maxamed Isaaq Cabdi ayaa gaaray Bardaale, si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee degmada.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Maamulka Degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidanka XDS, Darwiishta Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee [ATMIS] iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka mas’uuliyiintan ayaa ah sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda dadka iyo sidii loo qaadi lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee la doonayo in lagu furo waddooyinka gobolka Bay ee go’doonsan.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha hoose ayaa kala go’an maadaama Al-Shabaab ka arrimiyaan inta badan degaannada miyiga ah ee saddexdaas gobol, taasoo dhibaato xooggan ku ah shacabka.

Go’doominta joogtada ah ee Al-Shabaab ay ku hayso qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa abuurtay sicir barar waxayna uga sii dartay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka oo uu sidoo kale saamaayey Covid-19 iyo dagaalka Ukraine.

Marka loo eego qiyaasaha UNICEF, 7.1 milyan oo Soomaali ah, ama kala bar dadka, ayaa wajihi doona cunto yari ba'an dhammaadka 2022, kadib markii xilli roobabkii 5aad uu baaqday, isla-markaana aan la helin gargaarkii loo baahnaa.

Dowladda oo ay taageerayaan 22,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika iyo taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa ku guuldareystay inay dalka ka xoreeyaan Al-Shabaab oo saaxiib la ah Ururka Al-Qaacida.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.