Khasaaraha Dagaalka Baydhabo iyo DF oo ka hadashay

Dadka rayidka ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ka qaxayeen bartamaha magaalada iyagoo isku dayaya in ay raadiyaan meelo ka ammaan badan koonaha.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha Dagaalka Baydhabo iyo DF oo ka hadashay

BAYDHABO, Soomalaiya - Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen iska-horimaad hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha.

Dagaalka ayaa qarxay subaxnimadii hore kadib markii Ciidamada Koonfur Galbeed ay weerareen guri uu ku sugnaa siyaasiga Maxamed Aadan Farkeeti oo ah Musharax xilka Madaxweynaha KG.

Laftagareen ayaa diiday inuu kursiga ka dego, waxaana uu wajahaya mucaaradad ba’an kadib markii ay dhamaatay mudadii afarta sano ahayd ee dastuuri u siinayay xaqa inuu xafiiska joogo.

Waxaa nala soo gaarsiiyay sagaal qof oo dhaawac ah, intooda badan waa dad rayid ah oo ay ku jiraan qoys ay ku dhaceen hoobiyeyaasha gurigooda," ayuu yiri Dr. Cali Bashiir oo ka howlgala Isbitaalka.


Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegtay in Madaafiic ay ku dhaceen dhowr guri oo ku yaalla Xaafadda Bardaale, oo dagaalka uu ka dhacay.

C/llaahi Maxamed, oo ah Sarkaalka dowladda hoose ee Baydhabo ayaa sheegay inay jiraan tiro dhaawac ah iyo dhimashadda labo qof oo rayid ah oo dhintay kadib markii gurigooda ay ku dhaceen madaafiic.

Dhanka kale, Farkeeti ayaa ku eedeeyay madaxweynaha xilka Lafta-Gareen inuu fasaxay weerarka subaxnimadii Jimcaha, isagoo sheegay "in dadkiisa ay ka falcelin doonaan".

Farketi oo horay u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka xiligii hore ee Xasan Sheekh, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Lafta-Gareen. Kooxda mucaaradka ayaa fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa xafiiska MW Laftagareen.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka KG. DFS waxay ku boorisay dhamaan qeybaha siyaasadda inay wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaashahooda.

Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka iyo wariyeyaasha ayaa sheegay in dagaalka uu ku fiday xaafadda Bardaale ee magaalada. Xaafaddan ayaa la og yahay inay tahay meel ay deggan yihiin beesha Leysaan oo ku taal Baydhabo. Baabuur ku rakiban qoryaha darandooriga u dhaca ayaa lagu arkayay gudaha magaalada.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaalada uu xiran yahay, isla markaana la joojiyay duulimaadyadii ka imaan lahaa Muqdisho.

Dadka rayidka ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ka qaxayeen bartamaha magaalada, iyagoo isku dayaya in ay raadiyaan meelo ka ammaan badan xaafadda Bardaale.

Baydhabo ayaa hadda hoy u ah mid ka mid ah dadka ugu badan ee ku barakacay gudaha dalka kadib markii abaarta ay saameysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.