Khasaaraha dhulgariirkii Turkiga oo la shaaciyay

Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha dhulgariirkii Turkiga oo la shaaciyay

ANKARA - Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhiftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof.

Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay.

Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 -- taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay'adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka.

Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow.

"Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn," ayay AFP u sheegtay Fatma Colak oo degan Duzce.

"Waxaan kasoo baxnay guryaheennii annagoo argagaxsan, hadda waxaan ku suganahay bannaanka." ayay raacisay.

Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.

Turkigu ayaa ku yaalla mid ka mid ah goobaha ay ugu badan yihiin dhulgariirka adduunka.

Duzce ayaa ahayd goobtii uu ku dhiftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii - oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sano.

Dhulgariirkaas yaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad kun qof oo ku dhintay Istanbul.

Isha VOA

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.