Khasaaraha duqeynta Baraawe oo kordhay

Dadka ku dhintay madaafiicda ayaa ahaa shacab guryahooda ku jiray, iyadoo weerarkan uu abuuray jawi cabsi iyo walaac dhinaca amaanka magaaladda oo doorasho ka billaabatay.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha duqeynta Baraawe oo kordhay

BARAAWE, Soomaaliya - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar hoobiye oo Maanta ka dhacay degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu soo beegay xili doorasho.

Mas'uuliyiinta degmada ayaa u xaqiijiyay KON in afar qof oo shacab ahaa ay ku dhinteen duqeynta, sidoo kalena 9 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka Guud.

Dibada magaaladda ayaa laga soo tuurey hoobiyeyaasha, waxaana ujeedkoodu ahaa Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, oo saakay ka dhacaysay doorashadda 7 Xildhibaan.

Lix hoobiye ayaa lagu soo tuuirey, saddex waxay ku dhaceen xeebta, mid kamid ah ayaa ku habsadey Guri dad shacab ah ku noolaayeen, halka labada kale ku dhaceen meel banaan ah.

Dadka dhintay waxay isagu jiraan saddex rag ah iyo hal qof oo dumar ah. Dadka dhaawaca soo gaarey waxay ku sugnaayeen xeebta, sida ay sheegeen Saraakiisha maamulka degmada.

Dadka ku dhintay madaafiicda ayaa ahaa shacab guryahooda ku jiray, iyadoo weerarkan uu abuuray jawi cabsi iyo walaac dhinaca amaanka magaaladda oo doorasho ka billaabatay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo imaanaya xili dhawaan Ciidan badan la geeyay magaaladda, kuwaasoo ay kaabayaan AMISOM, oo amniga kala shaqeynayay.

Baraawe, waa magaalo xeebeed ku dherararsan Badweynta Hindiya, waxayna ahaan jirtay saldhiga ugu weyn Al-Shabaab, oo ay dhaqaalaha ka hesho dhoofinta dhuxusha degmadda.

Magaaladda oo Caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa go'doonsan ku dhawaad 10 sano, waxaana macashiida u martaa dhanka badda, oo mas'uuliyiinta xitaa isticmaalaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.