Khasaaraha Shaqaalaha Turkiga kasoo gaarey Qaraxii Al-Shabaab

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen 4 shaqaale oo Turki ah.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha Shaqaalaha Turkiga kasoo gaarey Qaraxii Al-Shabaab

ANKARA, Turkey - Hal muwaadin oo u dhashay Turkiga  ayaa kamid ah 4 qof  oo ku dhintay qarax Maanta ka dhacay degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartey ku xaqiijisay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo lala eegtay shaqaale Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaja jidka Muqdisho iyo Afgooye.

"Waxaan si kulul u cambaareynaynaa weerarka argagaxiso ee lala eegtay shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo ka qeybqaadanayay horumarka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Ugu yaraan 4 kale oo Turki ah ayaa dhaawacmay qaraxa.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto is-garab-taagga iyo taageerida walaalaha Soomaaliya, islamarkaana aan waxba u dhameynin qaraxan mashaariicda ay dalka kawadaan.

Waa markii 3aad oo Al-Shabaab weerar ku qaadayso Shaqaalaha Turkiga ee jidka Afgooye dhisaya tan iyo 2019, iyadoo ujeedka Kooxda uu yahay inay joojiso masharuucan malaayiinka dollar ay Qatar ku bixinayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.