Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose

Qarax Miino ayaa barqanimadii maanta ka dhacay, inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo magaalada Mareereey, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose

AFGOOYE,Soomaaliya - Qarax Miino ayaa maanta lala beegsaday Mooto nooceedu yahay FEKON, taas oo ay saarnaayeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Labada Askari ayaa ka yimid dhanka Magaalada Mareereey, iyagoo ku sii jeeday Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacantay labadii askari ee Mootada saarnaa, waxaana dhaawacooda la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa iminka ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo wada baaritaano ay ku raadinayaan kuwii qaraxa ka danbeeyey.

Ma Jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan miino, waxaase looga bartay kooxda Al Shabaab, oo dagaal kula jirta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.