Khasaaro ka dhashay duqeyn diyaaradaha Kenya ka geysteen Gedo

Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa xalay saqdii dhexe duqeyn ka geysatay gobolka Gedo oo dhaca Koofurta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Khasaaro ka dhashay duqeyn diyaaradaha Kenya ka geysteen Gedo

CEEL-CADDE, Soomaliya - Wararka ka imaanaya degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha Kenya ee aan duuliyaha lahayn ay duqeysay guri ay deganaayeen dad rayid ah, kuwaas oo ay gaartay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaas ku dhaawacmay shan caruur ah iyadoona ay dhimatay hooyadii dhashay caruurtaas.

Cali Axmed Sheekh Cabdi oo ah aabaha qoyska musiibadu ku habsatay, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qasaaraha soo gaaray reerkiisa iyo sida wax u dhaceen.

Ceel-cadde ayaa lagu xasuustaa weerar ay Kooxda Al-Shabaab askarta badan uga laayeen qaarna ka qafaasheen Kenya bishii Janaayo 2016.

Sida warar madax bannan xaqiijinayaan waxaa jira degaanno kale oo ku yaalla Gedo oo diyaaradaha Kenya ay duqaymo ka geysteen, kuwaas oo qudhoodu uu ka jiro qasaaro soo gaaray shacab xoolo dhaqto u badan.

Ceel-cadde degaan ahaan waxa ay dhacdaa bartamaha gobalka Gedo dhul daaqsimeedka joogiisa sareeyo, waxa ayna dhanka galbeed 60 KM kaga beegantahay magaala madaxda gobalka ee Garbahaareey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.