Khayre oo soo dhaweeyay heshiiska doorashadda

Doorashadda waxay ku xiran tahay amniga, dhaqaalaha iyo horumarka dalka, sidaasi ayuu yiri Khayre, isagoo soo dhaweeyay heshiiska cusub, wuxuuna ku baaqay in ka hirgeliyo.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cali Khayre oo xilka Ra'iisul Wasaaraha laga qaadey 25-kii July ayaa soo dhaweeyay heshiiska cusub ee doorashadda, isagoo sheegay in meesha uu ka saarayo mudo-korarsigii laga baqayay ee Farmaajo.

"Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay. Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka," ayuu ku yiri Khayre qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.