KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Agaasimaha Guud, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha inuu go'aan ka gaaro sidii loo ilaalin lahaa xaqa xujeyda, loona heli lahaa shirkadaha saxda ah ee fulin doona adeegyada Xajka sannadkan 2022-ka.
MUQDISHO, Soomaaliya – Waraaq ka soo baxday xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya, Dr. Cumar Faaruuq Cabdicasiis, ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday go’aankii Guddiga Tartanka Adeega Xajka, kaasoo lagu go’aamiyay sicirka adeegga xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan 2022.
Guddiga Tartanka Adeega Xajka 1443/2022, oo uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda ayaa shalay 06/06/2022, ku dhawaaqay shaqsi kasta oo sanadkaan xajinaaya ay ku baxayso lacag gaareysa $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), hayeeshee jaangoyntaas qiimaheedu aadka u sarreeyo waxaa daadka ku daray Agaasimaha Wasaaradda.
Waraaqda sumaddeedu tahay, WAAD/XAG/Kh-1/705/2022, oo uu soo saaray Dr. Cumar, waxaa lagu sheegay in qiimaha sicirka rasmiga ay ce sanadkan ku xajin doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed uu yahay 3,800 oo doolar, taasoo 1,430 doolar ka hooseya qiimihii hore, lana eg qarashkii xujeyda ku baxay 2019 oo u dhaxeeyay $3,600 - $3,800.
“Waxaa jirta warqad la soo dhigay baraha bulshada oo la leeyahay waa qiimaha sicirka xajka sanadkan 2022, waa warqad wax kama jiraan ah, qiimaha ku qoranna ma ahan mid sax ah, haddii ay cid soo saartayna waxaa looga dan leeyahay dhac iyo boob la doonayo in xaajiga soomaaliyeed oo ah martida ilaahay jeebkiisa lagu baarto”, ayuu yiri Dr. Cumar.
Guddiga Tartanka Adeega Xajka, waxa ay sheegeen in $3,250 doolar oo ka mid ah lacagta ay tahay kharashaadka gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halka 1,500 oo kamid ah ay tahay Takidka diyaaradaha, waxaana 480 kamid ah loogu talagalay kharashaadka kale, sida adeegyada caafimaadka iyo shaqaalaha gudaha, taasoo lagu tilmaamay sicir qaali ah.
Hayeeshee, waraaqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in qarashka adeegyada Xajka ee xujeyda ku baxaya inta ay joogaan gudaha Sacuudiga uu $1,950, halka Tigid-ka Go & Back, loo asteeyay $1,200$, adeegga Shirkadaha Fulinta howlaha Xajka, ayaa loo qorsheyay $500$, halka adeegyada kale loo qoondeeyay $150$ .
Shirkadaha daneynaya fulinta adeegga xajka 1443/2022, ayuu agaasimuhu ku wargeliyay in ay ka war sugaan liiska guuleystayaasha saxda ah oo Wasaaraddu dib ay ka soo saari doonto, wuxuuna Madaxweynaha JFS, ka codsaday in uu go'aan ka gaaro sidii loo ilaalin lahaa xaqa xujeyda, loona heli lahaa shirkadaha saxda ah ee fulin doona adeegga xajka.
Keydmedia Online, ayaa fahansan inuu jiro khilaaf la xariira jaangoynta qiimaha xajka sanadkaan, kaasoo salka ku haya muran ka dhashay qoondada Xajka la helay iyo sida loo maamulay, todobaadkii hore ayayna ahayd markii ay soo baxday qeylo-dhaanta maamullada Puntland iyo Somaliland ee Qoondada xujeyda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.