Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Guudlaawe iyo Dabageed

Khilaafkaan cusub ayaa ku soo aadaya, xilli, ay kaliya Sideed maalmood ka harsan tahay 15 March, 2022, oo loo qorsheeyay in la soo af-meero doorashooyinka Golaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Guudlaawe iyo Dabageed

BALADWEYNE, Soomaaliya - Sida ay xaqiijinayaan ilo Xog-ogaal ah, khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Madaxweyne ku xigeynkiisa Yuusuf Dabageed.

Khilaafkaan ayaa salka ku haya, hannaanka loo maamulayo, doorashada kuraasta taalla Baladweyne, gaar ahaan 11-ka kursi ee la filayo in Talaadada iyo Arbacada, lagu doorto Xarunta gobolka Hiiraaan, kuwaas oo ah kuraasta ugu miisaanka culus.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Cali Guudlaawe, ka hor yimid qorshe uu wado Madaxweyne ku xigeynka, kaas oo ah in la xiro inta badan kuraasta beeshiisa Xawaadle, si ay ugu soo baxaan shaqsiyaad Farmaajo iyo Fahad Yaasiin doonayaan.

Guudlaawe, ayaa si weyn uga hor yimid, in shaqsiyaad gaar ah loo xero, kuraasta taalla Baladweyne, gaar ahaan kuraasta ay u baratamayaan siyaasiyiinta saameynta xooggan leh, ee Sanbaloolshe, Goodax Barre, Cabdirisaaq Jindi iyo Cabdirisaaq Cumar, ugu horreeyaan.

Is-qabqabsiga, labada xaafiis ee ugu sarreeya Hirshabeelle, wuxuu saameyn ku yeeshay Guddiga doorashooyinka, kuwaas oo la kala saftay labada dhinac, xilli ay saameyn xooggan guddiga ku dhex leedahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Guudlaawe, oo dhawaan kulan la qaatay, ku dhawaad 50 musharrax, oo u taagan, baratanka 11-ka kursi, ee doorashadooda la iclaamiyay, ayaa u sheegay in uusan jiri doonin, kursi la xiri doono, inkastoo qaar ka mid ah musharixiintu, muujiyeen aaminaad la'aan xooggan.

Khilaafkaan cusub ayaa ku soo aadaya, xilli, ay kaliya Sideed maalmood ka harsan tahay 15 March, 2022, oo loo qorsheeyay in la soo af-meero doorashooyinka Golaha Shacabka.

Yuusuf Dabageed, wuxuu hore u sheegay in kuraasta taalla Baladweyne, ay kaliya ku soo bixi doonaan, shaqsiyaad uu isago oggol yahay, taas oo hore loogu fasirtay, inuu hor istaagi doono xubnaha mucaaradka ku ahaa Farmaaajo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.