Khilaafka RW Rooble iyo Cabdi Xaashi oo cirka isku shareeray

Gudiga ayaa kala qeybsan, waxaana doorashadda dhacday ka maqnaa garabka Cabdi Xaashi oo afar xubin ka kooban.

Warar Keydmedia Online
Khilaafka RW Rooble iyo Cabdi Xaashi oo cirka isku shareeray

MUQDISHO, Soomaaliya - Khadar Xariir oo kamid ah shaqaalaha Villa Somalia ayaa Maanta markale loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha gudiga doorashadda Xildhibaanada gobollada Waqooyi [Somaliland].

Doorashadan ayaa sameeyay hal dhinac, garabka Mahadi Guuleed oo ku ku xiran Farmaajo, iyadoo ay ka maqnaayeen afarta xubin ee Cabdi Xaashi uu magacaabey, kuwaasoo RW Rooble ugu hanjabay inuu kuwa kale ku bedelayo.

RW Rooble ayaa si deg deg ah islamarkii ay dhacday doorashadda u hambalyeeyay Khadar Xariir, waxayna arintan cirka ku shareertay khilaafkii Ra'iisul Wasaaraha kala dhaxeeyay Cabdi Xaashi ee ku saleysan gudiga Somaliland.

Cabdi Xaashi oo ah odeyga ugu da'da weyn siyaasiyiinta Somaliland, ee ku jira dowladda ayaa ku eedeeyay Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayd khilaafka isaga iyo Mahdi Guuleed, kadib markii sida uu sheegay dhowr jeer balanta uga baxay.

Tartan ayaa ka jira kuraasta Somaliland, oo mucaaradka iyo Farmaajo ku loolamayaan, waxaana arintan ay keeni kartaa dib u dhac kale doorashadda Soomaaliya, oo maalin walba khilaaf horleh uu soo baxayo.

Kuraasta gobollada Waqooyi, kuwa Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug waa codad uu Farmaajo ku tashanayo dib u doorashadiisa, iyadoo ku bixinayo dedaal kasta sidii uu ugu guuleysan lahaa, waxaana kala shaqeynaya Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.