Kiisaska Coronavirus ee laga helay Soomaaliya oo kordhay

Tiradii ugu dambeysay ee la diiwaangeliyay ayaa muujinaysa inuu jiro hoos u dhac tiradii maalin walba ay Wasaaradda diiwaan-gelin jirtay ee Cudurka dadka uu ku dhaco.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diiwaangelisay 9 qof oo markii la baarey kadib laga helay caabuqa COVID-19, taasoo tirada guud illaa hadda la xaqiijiyay ka dhigayso 3,006.

Mudo todobaad ka badan, ma jirin wax dhimasho ah oo lasoo sheegay. Tan iyo March 2020 markii xanuunka uu wadan ka dillaacay waxaa u dhintay 92 qof, waxaana ka bogsaday 1,051, sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda soo saartey.

Muqdisho ayaa noqotay meesha laga diiwaangeliyay dadka ugu badan ee uu cudurka soo ritay ama dilay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.