Kiisaska COVID-19 oo sara u sii kacay

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay tirade kiisaska cusub ee COVID-19 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Kiisaska COVID-19 oo sara u sii kacay

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka oo si maalin-le ah uu soo saaarta kiisaska cusub ee cudurkaan ayaa tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka ku sheegaty 1,128 ruux, waxaana laga helay 123 qof.

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee cudurkaan uu dad ku soo ritay, waxaana caasimadda laga helay 76 ruux, halka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya laga helay 31 qof.

Dadka cudurkaan laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay 76 qof ayaa rag ah, halka ay dhadig yihiin 47 soo hartay. 24-kii saac ee tagtay 14 qof ayaa cudurka u geeriyooday halka 34 ruux caafimaadeen.

Tirada guud ee laga helay tan iyo markii COVID-19 uu dalka ka dillaacay waa 7,850 ruux, waxaana ka bogsaday guud ahaan 3,901 qof, halka ay 274 shaqsi u geeriyoodeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.