Kiisaska COVID-19 oo sare u kacay

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay tirada kiisaska cusub ee cudurka COVID-19, ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ku soo kordhay dalka.

Warar Keydmedia Online
Kiisaska COVID-19 oo sare u kacay

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka oo si maalin-le ah uu soo saaarta kiisaska cusub ee cudurkaan ayaa tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka ku sheegaty 1,117 ruux, waxaana laga helay  107 qof.

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee cudurkaan uu dad ku soo ritay tan iyo markuu billowday, waxaana caasimadda laga helay  26 ruux, halka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya laga helay 39 qof.

Maamulka Koofur Galbed waxaa laga helay 21 qof, halka HerShabeelle 11 ruux, Maamulka Galmudud waxaa laga diiwan galiyay 1 qof, halka Jubbaland laga soo wariyay 9 bukaan.

Dadka cudurkaan laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay 61 qof ayaa rag ah, halka ay dhadig yihiin 46 hartay.

 24-kii saac ee tagtay 11 ruux ayaa ka caafimaaday cudurkaan (Banadir:8, Somaliland:1, Hirshabelle:1, Koonfurgalbeed:1) halka 25 bukaan caafimaadeen.

Tirada guud ee laga helay tan iyo markii COVID-19 uu dalka ka dillaacay waa 8,820 ruux, waxaana ka bogsaday guud ahaan 4,079, qof, halka ay 338 shaqsi u geeriyoodeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.