“Kiiska Ikraan” Fahad Yaasiin oo la bari-yeelay [Fashilka Rooble]

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si guud uga gaabsaday kiiska Ikraan, tan iyo markii uu ka soo laabtay dalka Qatar, wuxuu ogolaaday in xilka Agaasimaha NISA, loo dhiibo Farey oo ka mid ah eedeysanayaasha.

Warar Keydmedia Online
“Kiiska Ikraan” Fahad Yaasiin oo la bari-yeelay [Fashilka Rooble]

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buule-kamey, ayaa soo bandhigay baaris hordhac ah, oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, taas oo ku maqan gacanta Kooxda Fahad Yasiin, tan iyo 26-kii Juun.

Hayeeshee, Cabdullaahi Buule-kamey, wuxuu sheegay in guddiga barista kiiska, ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, aysan u soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in Ikraan ku maqan tahay gacanta Saraakiisha NISA.

Tallaabada ay qaadeen, guddiga barista ayaa durba lagu macneeyay in la soo af-meeray kiiska maqanad Ikraan, waxaana hadalka Buule-kamey, u jeedkiisu yahay in lagu madax-banneeyo eedeysanayaasha oo doonaya in ay helaan kuraas Baarlamaan.

Hadalka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda CQS, ayaa ku soo aadaya xilli maanta ciidamo ka tirsan NISA, gaar ahaan kuwo loo yaqaan ‘Duufaan’ laga daad-gureeyay Caasimadda, si ay ergo ugu noqdaan Yaasiin Farey, oo loo boobayo kursiga HOP-067.

Qodob ka mid ah heshiiska doorashada, ayaa dhigaya in shaqsi ay dacwad ka taallo Maxakamadda ama ay ku socdaan baaritaanno kale, uusan ka mid noqon karin masharixiinta heerarka kala gaddisan, taas ayaana sababtay in caawa la bari-yeelo eedeysanayaasha.

Yasiin Farey, wuxuu saacad ka hor gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo loo xiray kursiga HOP-067, waxaana u codeyn doona Askar, uu Kullane Jiis, ka soo daad-gureeyay Gedo, halka Fahad Yaasiin, u diyaar garoobay boobka kursiga HOP-86.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si guud uga gaabsaday kiiska Ikraan, tan iyo markii uu ka soo laabtay dalka Qatar, wuxuu ogolaaday in xilka Agaasimaha NISA, loo dhiibo Farey oo ka mid ah eedeysanayaasha, halka uu dhawaan ka dejiyay Dhuusamareeb.

Rooble, wuxuu sidoo kale, shalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali, oo muddo soo ahaa La-taliyaha amniga Farmaajo, kaas oo ku suntan Hawiye naceyb, qabyaalad iyo Musuq-Maasuq.

Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeyneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa markii dad ugu dambeysay lagu arkay muuqaal ay duubtay CCTV iyadoo gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan, markaas oo xili habeen ah abaare 8:00 pm gaari Toyota Hulux ah lagu qaadey, kaasoo aaday dhaka Godka Jilicow.

Ikran waxay ku dhalatay Mandheera, Kenya August 24 sanadkii 1996, halkaasoo waxbarashadeeda dugsiga Hoose iyo Dhexe ku qaadatey, waxay ka baxdey Dugsiga sare ee Aga Khan, Nairobi, waxayna ka qalin jebisay Jaamacadda United States International University (USIU), Nairobi oo ka baratey xiriirka caalamiga.

Waxay billowday shaqada NISA April 2017, iyadoo ka shaqeynaysay xafiiska agaasimaha Fahad Yaasiin, illaa Oct 2017 mudo 7 bilood ah, iyadoo loo dalacsiiyay agaasimaha waaxda xaquuqda aadanaha, oo ay kala shaqeynaysay AMISOM iyo Safaaradda Ingiriiska qeybta tababarada la siiyo xubnaha hay'adda.

Laga soo billaabo Oct 2018 illaa July 2019, waxay la shaqeynaysay Eng Yariisow, duqii Caasimadda, oo u ahayd madaxa amniga, iyadoo isla NISA katirsan. Markii la dilay Eng Yariisow waxay toos ugu laabatay NISA.

2019, waxay aaday UK, iyadoo gashay Jaamacada Nottingham, halkaasoo ay ka baratay sharciga caalamiga ee xaquuqda aadanaha. 2020, waxay gashay King’s college London, oo Shahaadafa Master-ka ku sameysay xiriirka caalamiga. NISA ayaa lacagta ka bixinaysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.