Kismaayo iyo Dayactir Wado

Maamulka Gobalka Jubadda hoose ee dhaqdhaqaaqa Shabaab ayaa ka bilaabay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo dayactirka wadooyin.
Warar Keydmedia Online

Xaafadaha howshan dayactirka iminka ay ka socota ayaa waxaa ka mid ah xaafada Balcad ee Magaalada kismaayo, waxaana maamulka uu sheegay in arinkani ay taageero uga halayaan shacabka deegaanka iyo ganacsatada.

laba Maalmood ka hor ayaa deegaan qiyaastii 75Km u jira Magaalada kismaayo waxaa lagu soo gabagabeeyay howl dayactir buundooyin ku yaalay halkaasi oo ay shacabka si weyn u adeegsadaan.

 

Marka laga soo tago Maamulada ayaa sanadihii u danbeeyay shacabka soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwa fahmay in iskood ay wax u qabsan karaan iyaga oo aan helin gacan shisheeye.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.