Koonfur Galbeed: Doorasho ka socota Baraawe

Sideed Xildhibaan oo kamid ah 13-kusi oo Koonfur Galbeed shaaciysay ayaa Maanta lagu dooranayaa magaaladda Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Koonfur Galbeed: Doorasho ka socota Baraawe

BARAAWE, Soomaaliya - Waxaa Baraawe ka billaabatay saakay doorashadda 8 kursi oo kamid ah 13-ka kursi oo Koonfur Galbeed ku qabanayso magaaladdan, oo katirsan G/Sh/Hoose.

Kursiga ugu horeeyay waxaa kuso baxay Saalim Aliyow Ibrow oo ku guuleystay HOP165, kaasoo uu horey ugu fadhiyay. Siyaasigan ayaa dowladda Soomaaliya kusoo jiray tan iyo 2000.

Kursiga 2aad waxaa helay Yuusuf Maxamed Aadan, oo ku fariistay HOP161, waa waji cusub oo Lafta-Gareen siyaasadda kusoo biiriyay, isagoo degaan doorashadiisu tahay G/Sh/Hoose.

Kursiga 3aad waxaa ku guuleysatay Maryan Maxamed Cali, oo ku fariisatay HOP044. Waxay kamid ah dhalinyarada uu soo saaranayo Farmaajo, ee uu doonayo inay u codeeyaan.

Kursiga 4aad waxaa kusoo baxay Xuseen Cali Xaaji, kasoo sumadiisu tahay HOP16, waxaana Musharixiinta soo baxay ay yihiin kuwa horey loo saadaaliyay oo MW Lafta-Gareen wato.

Kursiga 5aad waxaa ku guuleystay C/llaahi Cumar Abshirow, kaasoo tirsigiisu yahay HOP152. Saddex kursi oo kale ayaa Maanta la doortay, iyadoo lixda kale berri la dooranayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.