Koonfurta Kuuriyada oo Xayiraad hor leh saartay Soomaaliya

Waddanka South Korea ayaa xayiraad muddo kale ah ku kordhiyay Soomaaliya, isagoo sidoo kale go'aankan qaatay kaddib markii waddamo ay Soomaalya kamid tahay amni xumida ka jirta awgeed looga cabsaday in ay saameyso waddanka Koonfur Kuuriya.

Warar Keydmedia Online
Koonfurta Kuuriyada oo Xayiraad hor leh saartay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kuuriyada Koofureed oo ah waddan ka soo jeeda Bariga Aasiya oo ku taal nuska koonfureed ee Jasiiradda Kuuriya, islamarkaana leh xuduudda ugu adag adduunka ee laleh waddanka ay kala go'een ee Waqooyiga Kuuriya ayaa soo saaray war ku saabsan xayiraadii saarneyd.

Wasaarada arrimaha dibadda ee dowladda Koonfurta Kuuriya ayaa soo saartay qoraal ay ku caddeyneyso in ay kordhisay muddadii xayiraadda ee saarneyd waddamo dhowra oo ay Soomaaliya kamid tahay, waxaana lagu kordhiyay muddo 6 bilood ah oo kale xayiraadda waddamadaasi horay loo saaray.

Wadamadan la xayiray waxaa loo tixgeliyey in ay ka jirto khatarta weeraro argagixiso iyo xasillooni darro siyaasadeed taasoo u muuqata in ay sii socon doonto,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed. Waddamada kala ah Somalia, Yemen, Libya, Syria, Iraq, Afghanistan iyo Filibin ayaa lagu sheegay in lasaaray xayiraadda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa xeebta Soomaaliya gaysay 300 oo xubnood oo ka tirsan kooxda CHEONGHAE tan iyo sanadkii 2009 taasoo qayb ka ah ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo burcad-badeedda ku sii baahay gobolka. Guddiga Difaaca ee Baarlamanka Koonfurta Kuuriya ayaa ansixiyay in la kordhiyo waqtiga ciidamadeedu ay sii joogayaan Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta (UAE) oo ku eg dhammaadka sanadka 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.