Kooxda Shabaab oo gacan goyn ka fulisay Dayniile

Muqdisho(keydmedia) Kooxda Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa gacan uga jartay wiil dhalinyaro ah degmada Dayniile ee gobalka Banaadir.
Warar Keydmedia Online

Wiilka gacanta laga jaray ayaa mgaciisa lagu sheegay Saciid Max’ed Xasan waxaana da’diisa lagu qiyaasay 20-sano jir.

Falka gacan goynta ah ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala deegaanka loo barakacay ee Tiida waxaana shabaabku marqaati la’aan ay ku eedeeyeen wiilkaasi inuu falal xatooya ah ka geestay deegaanada ay ka taliyaan.

Ma ahan markii ugu sareysay ee ay Shabaabku Muqdisho ama gobalada kale ee ay ka taliyaan ay ka fuliyaan falal gacn goyn ah waxaana kol hore sidan oo kale ay adimaha iyo gacamaha uga jareen dhalinyaro kale duwan.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.