Ku dhawaad 10 saxafi oo lagu xiray Hargeysa

Wariyayaashaan ayaa kala ah, 1. Maxamed Cabdi Ilig, 2. Mohamed Faan, 3. Hassan Galayr, 4. Sagal Mustafe, 5. Ahmed Nur Samrawi, 6. Ahmed Mohamud, 7. Naima Abdi Ahmed, 8. Axmed Shimali, iyo 9. Cayduruus Mohamed.

Warar Keydmedia Online
Ku dhawaad 10 saxafi oo lagu xiray Hargeysa

HARGEYSA, Soomaaliya – Maamulka Soomaaliland, ayaa xabsiga u taxaaabay ku dhawaad 10 saxafi oo ka howl-gala magaalada Hargeysa, kadib rabsado maanta ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xarunta maamulka Soomaaliland.

Saxafiyiinta la xiray ayaa xabsiga dhexe u tagay in ay ka soo warramayaan isku-dac, dhex maray, ilaalada Xabsiga iyo maxaabiista, xilli wararka qaar sheegayaan in maxaabiista ay gacanta u galeen qoryo taas oo sababtay is rasaaseyn.  

Sagaal saxafi oo labo ka mid ah haween yihiin, ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo u kala shaqeynayay, MM Somali TV, BBC Somali, VOASomali, BulshoTV, Saab TV, CaroEdeg Media, Horn Cable TV iyo warbaahinta Goobjoog.

Wariyayaashaan ayaa kala ah, 1. Mohamed Abdi Ilig, 2. Mohamed Faan, 3. Hassan Galayr, 4. Sagal Mustafe, 5. Ahmed Nur Samrawi, 6. Ahmed Mohamud, 7. Naima Abdi Ahmed, 8. Ahmed Shimali, iyo 9. Aidarus Mohamed.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Booliska ay qaateen dhamaan qalabkii yaaley xarunta Horn Cable Tv ee Hargeysa, oo ay goordhoweyd la wareegeen waxaana la sheegayaa in xiray shaqaalihii joogey xafiiska.

Ururrada Saxaafadda ee ka dhisan dalka, ayaa si weyn u canbaareeyay, falka ay ku kaceen ciidanka Soomaaliland, Somali Journalists Syndicate - SJS ayaana ugu baaqday mas'uuliyiinta Somaliland inay si shuruud la'aan ah ku siidaayaan wariyayaasha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.