Kulan Ammaanka looga hadlayo oo madaxtooyada ka socda

Muqdisho(keydmedia) Warar hoose oo laga helayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo kulan looga hadlayo ammaanka iyo istaraatiijiyada ciidamada dowlada ee dhanka howl galada.
Warar Keydmedia Online

Kulankan ayaa waxaa uu u dhaxeeya saraakiisha xiligan ee ciidamada dowlada iyo saraakiil hore oo ka timid dalka dibadiisa shalayna soo gaartay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Saraakiishii hore ee ciidamada ee soo gaaray Muqdisho ayaa lagu sheegay tiradooda in ay tahay 12 ayna kulama la leeyihiin talisyada ciidamada iyadoona lagu wado kulan kale in ay la qaataan madaxweyne Shariif.

Kulankan ayaa la aaminsanyahay inuu fura u yahay qorsha ay dowlada ku dooneyso in ay kula wareegto guud ahaan gacan ku heynta Muqdisho kadibna Dalka oo dhan.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.