Kulanki Baarlamaanka oo u baaqday xildhibaan geeriyooday

Muqdisho(keydmedia) Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid kulan Baarlamaanka ay ku dhageysan lahaayeen Socdaaladii ujeeda badanka ahaa ee Shariif Xasan uu ku tagay dalalka Caalamka Xog yar oo ku saabsab Sabab la xiriirta xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Eng Xusen Cabdi Wade oo ka tirsanaa xildhibaanada isla markaana ay si weyn isugu dhawaayeen shariif Xasan kana qeyb ahaa xildhibaanadii la socday safaradiisii ugu danbeeyay ayaa xalay ku dhintay Hotel wehliya ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa is weydiiyay markii warbaahinta laga sheegay in kulanki Baarlamaanka uu u baaqday geerida xildhibaan xanuunsanaa sababta mudnayaasha Baarlamaanka aanay maalin kaliya uga hadlin gaarida shacabka Soomaaliyeed ay la kulmaan mar walba oo ay kulmaan.

Shacabka Magaalada muqdisho ku dhaqan waxa ay caadiyan fishaan dhimasho iyo dhaawac mar walba oo ay kulan isugu yimaadaan Baarlaamka, waayo waxaa jira duqeymo uga yimaada dhanka mucaaradka iyadoona duqeymahaasi kadib Amisom ay bixiso jawaabo calculus.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.