Musharixiin la kulmay Madaxda Maamullada taabacsan DF

Musharaxiinta iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada taabacsan Xukuumadda ayaa xalay kulan ku yeeshay Decale hotel oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Musharixiin la kulmay Madaxda Maamullada taabacsan DF

MUQIDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa si adag uga dooday is mari-waaga ka taagan Arrimaha Doorashada iyo go’aanki Xukuumadda.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, waxaa kulanka su’aallo adag lagu weydiiyay Madaxweyne Qoor-Qoor oo maalin kahor sheegay in Jubbaland, Puntland iyo Midowga Musharixiinta ay usoo jawaabi waayeen, sidaasna ku fashilantay waan-waan uu waday.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, ayaa ka dalbaday Midowga Musharaxiinta in ay madaxda Puntland iyo Jubbaland kala hadlaan sidi ay kusoo magacaabi lahaayeen xubnaha Maamullada, ee anay wali soo gudbin isla markaana ay iyagu sheegaan magacyada xubnaha guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay tabashada ka qabaan.

Ilo ku dhow kulanka, ayaa KON u xaqiijiy in Musharixiintu kalsoonidi ay ku qabeen dhex-dhexaadnimo ay kala laabteen Madaxweyne Qoor-Qoor, iyadoo Madaxweyne Lafta Gareen uu markii dambe qaatay door ku saabsan xalka u raadinta mushkiladda taagan.

Kulanka ayaa intiisa badan la isku weydaarsaday hadallo adag, wuxuuna soo idlaaday, iyadoo aan xal muuqda laga gaarin isfaham-waaga ka taagan doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.