Kumaandooska DANAB oo weeraray Al-Shabaab

Ciidamada ayaa beegsadey tuulooyinka Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn & yaq-Doomaar, oo hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Warar Keydmedia Online
Kumaandooska DANAB oo weeraray Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay Ciidamada Kumaandooska DANAB ee DF fuliyeen howlgal qorsheysan oo ay ku burburiyeen dhowr goobood oo Al-Shabaab ku lahayd saldhigyo military.

Saraakiisha Ciidanka gobolka Baay ayaa sheegay in askarta DANAB ay cagta mariyeen saldhiyada Al-Shabaab ee ku yaallay Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn & yaq-Doomaar, oo hoostaga degmada Buurhakaba.

Waxaa sidoo kale howlgalka inta uu socday lagu qabtay xubno katirsanaa Al-Shabaab, iyadoo lagu gubey gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo yaalla goobaha Ciidamada ay la wareegeen.

Dhanka Al-Shabaab ma jiro wax war ah oo kasoo baxay, laakiin waxay dadka degaanka ay sheegeen in Kumaandooska Soomaaliya sameynayaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay degaanno horleh ku weeraraan.

Al-Shabaab oo 13 sano dagaal kula jirta DF iyo AMISOM ayaa lumisay dhul ballaaran, oo ay kamid yihiin Muqdisho, Afgooye, Marko, Baraawe tan iyo 2011, iyadoo dhaawac kasoo gaarey duqeymaha Mareykanka oo hogaamiyeyaashadii ugu sareeyay uga dhintay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.