Kuraas lagu doortey Muqdisho oo ka hakinayo

Cabdi Xaashi ayaa isaga naftiisa kusoo baxay doorasho uu malxiis la tartamay, oo markii hore kursiga isku dayay inuu xirto, balse laga diiday.

Warar Keydmedia Online
Kuraas lagu doortey Muqdisho oo ka hakinayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi, oo ah gudoomiyihii hore ee Aqalka Sare ayaa ku baaqey in la hakiyo doorashadda 16 kursi oo katirsan kuwa Somaliland oo ka dhacay Muqdisho.

Qoraal uu soo saarey Maanta ayuu uga dalbadey gudiyadda SEIT iyo FEIT inay dib ugu laabtaan doorashadda, kadib markii nidaamkii loo marey uu ahaa mid baal-marsan habraacyada.

Kuraastan ayaa waxay kamid yihiin kuwa Somaliland ku yeelan doonto Baarlamaanka 11aad, waxaana Cabdi Xaashi uu sheegay in hanaankii loo marey doorashadooda ay qaldanayd.

Cabdi Xaashi ayaa isaga naftiisa kusoo baxay doorasho uu malxiis la tartamay kursiga Aqalka Sare, oo markii hore kursiga isku dayay inuu xirto, balse laga diiday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.