Laba Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Wakiilada Soomaaliland oo la dhaariyay

Labadan xildhibaan ayaa kamid noqonaya Golaha Wakiilada maamulka iskiis goonida isu taagay ee Soomaaliland, waxaana muddo xileedka golaha wakiilada Soomaaliland ka harsan waqti aad u yar.

Warar Keydmedia Online
Laba Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Wakiilada Soomaaliland oo la dhaariyay

HARGEYSA - Soomaaliya: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee Somaliland ayaa dhaariyey laba xildhibaan oo ka mid noqonaya golaha Wakiilada Somaliland. Labadan Xildhibaan ayaa lagu kala magacaabaa:

  1.  Xil. Axmed Cabdi Muuse Cige oo buuxiyey booskii xildhibaan-nimo ee uu ka geeriyoodey AUN Marxuum Xil. Cabdikariin Aw-Cali Shabeel iyo
  2.  Xasan Xuseen Maxamed Yoonis oo isna buuxiyey booskii xildhibaan-nimo ee uu ka geeriyoodey Marxuum Xil. Axmed Cabdi Kaahin.

Golaha wakiilada Somaliland aya waxaa dhawaan ka geeriyooday laba xildhibaan oo kamida golaha wakiilada kuwaasoo ay noqotay in lasoo buuxiyo booskoodii, waxaana guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu u dhaariyay labadan xildhibaan in ay buuxiyaan booska labada marxuum ay banneeyeen, islamarkaana ay u adeegaab bulshada ay ku matalaan golaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.