Labo Sanno kadib

Mashaariicdii Farmaajo ka dhegax dhigay Galmudug maxaa ka hirgalay?

Fashilka ku yimid fulinta mashaacriicda ayaa loo sababbeynaa qorsho la'aan iyo guddigii loo xilsaarey oo aan jirin, iyadoo balanqaadka uu ahaa mid afka-baarkiisa ahaa.

Warar Keydmedia Online
Mashaariicdii Farmaajo ka dhegax dhigay Galmudug maxaa ka hirgalay?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilowga sanadkii 2018 safar 17 cisho qaatay ku kala bixiyay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland, isagoo soo dhagax-dhigay dhowr mashruuc oo horumarin ah.

Farmaajo, ayaa inta uu safarkiisa ku guda jiray dhagax dhigay Mashaariic horumarineed, kuwaasoo qaarkood horey loo dhagax dhigay hase yeeshee lagu sharfay, waxaana dad badan su’aal iska weydiinayaan halka dhaqaalaha looga keenayo fulinta Mashaariicdan oo boqolaal Malaayin oo doollar u baahan.

Inkastoo Madaxweynuhu sheegay inuu sameynayo guddi dabagal ku sameeya sababta loo fulin waayay Mashaariicda, hadana ma jiraan ifaalo ku saabsan in la dhisi doono goobihii Madaxweynaha balan-qaaday, marka la eego marxaladda uu dalka ku jiro hadda.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayaa ku sheegay in 16 Mashruuc uu Farmaajo ka dhagax dhigay deegaanada Galmudug maanta aysan midkoodna ka dhaqan gelin, waxuuna bulshada reer Galmudug uga digay in madaxweynaha godob kale ka galo.

“Xilli haatan laga joogo labo sano iyo bar ayuu Madaxweyne Farmaajo deegaanka Galmudug dhagax dhigay 16 mashruuc, midkoodna ma fulin. Galmudug waxaa maanta fidsan gogol Soomaaliyeed oo wejigeedii hore guul ku dhammaatay. Yuusan godob kale ka gelin oo uusan Galmudug guusha u diidin gogoshana fashalin.” Ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay munaasabaddii xil wareejinta madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Boqol Milyan oo loogu tala galay deegaannada Galmudug la leexsaday, isla markaana aysan soo dhaafin gacanta hay’adihii deeq bixiyaasha kala wareegay.

Mashaariicdii uu Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay, haseyeeshee ku fashilmay fulinteeda ayaa waxaa ka mid ah Waddada Laami ee isku xirto Gaalkacyo iyo Hubyo (264KM), Waddada laami ee isku xirto Hobyo iyo Caabudwaaq (355km), dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb iyo kuwa kale .

Keydmedia Online oo arintaan dabagal ku sameysay ayaa ogaatay in aysan waxba ka dhaqan gelin Mashariicdaas, islmarkaana bulshada Galmudug qaarkood bilaabeen howlo isku tashi ah oo ay deegaanadooda ku dhisanayaan, sida Dekadda Hobyo oo dhawaan la bilaabay iyo dhismaha faraca Jaamacadda Ummadda Caabudwaaq oo iyana qaab is xilqaan lagu dhisay.

Xafiiska Farmaajo ayaan waxaan ka codsanay in ay arintaan ka jawaabaan, nasiib darro wali Jawaab kama aanan helin. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.