Qoor-Qoor oo Wariyeyaal ku xiray Dhuusamareeb

Labo maalmood kahor ayuu Qoor-Qoor u hanjabey Wariyeyaasha, oo uu ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo Wariyeyaal ku xiray Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Labo Wariye ayaa xalay lagu xiray Xabsiga magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud maalin kadib markii Madaxweyne Qoor-Qoor uu ku eedeeyay Suxufiyiinta ka howlgala Galmudug inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab.

C/llaahi Warsame Rooble iyo C/wali Maxamed Tooxow ayaa lagu xiray amar kasoo baxay Madaxweyne Qoor-Qoor, oo la sheegay inuu ka caroodey qoraallo ay soo dhigeen baraha bulshadda oo maamulkiisa ay ku dhaliileen wax-qabad la'aan.

Qoor-Qoor oo siyaasadda soo geliyay Farmaajo, una dhiibay xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku fashilmay hogaanka maamulka isagoo mudo sanad ah jooga Xafiiska, waxaana waqtiga ugu badan ku bixiyaa u adeegidda danaha Villa Somalia.

Si uu u qariyo fashilkiisa, Qoor-Qoor ayaa billaabey olole uu ku aamusinaya warbaahinta xorta ah iyo Wariyeyaasha Galmudug kasoo warama, iyadoo arintan ay tahay mid ka baxsan dastuurka maamulkiisa iyo xeerarka caalamiga ee xoriyadda hadalka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu halista badan ee lagu dilo Suxufiyiinta, iyadoo dowladda Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada lagu eedeeyay inay geysteen xad-gudub ka dhan ah bini'aadanimada iyo xuquuqda warbaahinta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.