Lafta-Gareen oo aaday dal aan looga baran Madaxda Soomaalida

Lafta-Gareen ayaa caasumaad ka helay gudoomiyaha gobolka Kaduna, oo ku yaalla waqooyiga Galbeed ee dalka Nigeria.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo aaday dal aan looga baran Madaxda Soomaalida

ABUJA, Nigeria - Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Jimcihii gaarey magaaladda Abuja ee Caasimadda dalka Nigeria, oo dhaca galbeedka Africa oo aan looga baran inay booqdaan Siyaasiyiinta iyo Madaxda Soomaaliyeed.

Jamaal Maxamed, Safiirka Soomaaliya ee Nigeria ayaa sharaxaad ka bixiyay socdaalka Lafta-gareen, isagoo sheegay in booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay timid kadib markii uu casuumaad ka helay gudoomiyaha gobolka Kaduna.

Danjire Jamaal ayaa intaasi ku daray in Lafta-Gareen iyo dhigiisa Ismaamulka Kaduna ay Is-dhaafsanayaan waayo-aragnimo, qaabka Federaalka Nigeria u shaqeeyo iyo sida ay uwada shaqeeyaan dowladda Dhexe iyo Maamullada xubnaha ka ah.

Warar ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu isna kusii jeedo wadanka Nigeria, oo uga sii horeeyay dhigiisa Koonfur Galbeed, wuxuuna ujeedkiisu yahay in wax badan kasoo korarsado qibradda Nigeria u leedahay Federaalka.

Maadaama Nigeria ay ku hormartay Federaalka, ayaa Madaxda Maamullada Soomaaliya waxay doonayaan inay casharro kasoo bartaan, maadaama Nidaamka Federaalka Soomaaliya uu noqday mid fadhiid ah, oo madaxda aan aqoon badan u lahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.