Lafta-Gareen oo furay Albaab ka xiran madaxda kale ee Maamulada

Baraawe, oo ah degaan doorashadda 2aad ee Koonfur Galbeed ayaa lagu qabanayaa maalmaha soo socda doorashadda 13 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo furay Albaab ka xiran madaxda kale ee Maamulada

BAYDHABO, Soomaaliya - C/casiis Lafta-Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa furay albaab ku adkaadey inay furaan Madaxda kale ee Maamullada dalka oo caqabado wajahaya.

Wuxuu maalmaha soo socda ku qabanayaa Baraawe doorashadda 13 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka ee BF, isagoo furay xujo ahayd in aan doorasho labo degaan lagu qaban karin.

Doorashadda ka dhacay Baraawe ayaa la sheegay inaysan waxba ka duwanayn mida ka socota Baydhabo, oo Lafta-gareen kusoo saarayo shaqsiyaad uu wato, oo Farmaajo daacad u ah.

Maamulada kale ee dalka ayaan jirin cid illaa hadda ka billowdey doorashadda degaanka 2aad, waxaana ka taagan Boosaaso, Beledweyne iyo degmada Garbahaarey caqabado xoog leh.

Lafta-gareen ayaa qorshihiisa ah inuu fashiliyo shir la qorsheeyay in la isagu yimaada Muqdisho marka la dhameeyo doorashadda Caasimadaha Maamulada, si wajiga 2aad looga tashado.

Lama saadaalin karo in doorashadda 25-ka bishan lagu dhameyn doono, maadaama qaabka wax ku socdaan uu yahay mid boobsiis ka muuqdo, oo ku dhawaad 40% la doortay kuraasta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.