Lafta-Gareen oo isagu yeeray Xildhibaanada laga soo doortey KG

Waxaa la sheegay in Lafta-gareen uu rabo in Xildhibaanada kasoo baxay Maamulkiisa inay codkooda siiyaan Farmaajo, oo isaga ka dhigay Madaxweyne Dec 2018.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo isagu yeeray Xildhibaanada laga soo doortey KG

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa Baydhabo isagu yeeray dhamaan xubnaha Maamulkiisa ku metalaya Labada Aqalka ee Baarlamaanka 11aad ee dalka Soomaaliya.

Ujeedka ayaa ahaa labo qodob, oo kan hore shahaado gudoonsiin ahaa halka midkale kale kula dar-daarmay Xildhibaanada cusub inay sameeyaan wixii uu kula ballamay, oo ah in codadkooda ay siiyaan Musharax Farmaajo, oo Lafta-Gareen Madaxweyne ka dhigay Dec 2018.

Xildhibaanada ugu badan ayaa ka imaanaya Koonfur Galbeed, kuwaasoo gaaraya 77 [8 Aqalka Sare iyo 69 Aqalka Hoose], iyadoo ka dhigaysa Maamulkan mid markasta saameyn ku leh go'aaminta qofka Madaxweyne ka noqonaya dalka, maadaama codadkooda uu aqlabiyad yahay.

Dhamaan Xildhibaanada waxay gacanta ugu jiraan Lafta-Gareen, oo rabitaankiisa ku yimid, islamarkaana usoo xulay inay Farmaajo doortaan, taasoo aan la ogeyn inay hirgeli doonto, iyadoo la ogyahay in xiliga doorashadda wax walba is bedeli karaan, oo aan lagu tashan karin qofkii aad soo dhistay.

Doorashadii 2017, Xasan Sheekh oo Madaxweyne ahaa ayaa bixiyay hal habeen lacagtii ugu badnayd, isagoo ku tashayay codad badan oo dib ugu soo laabto, balse ma aysan dhicin, oo Xildhibaanada waxay u codeeyeen Farmaajo, oo kusoo baxay tartanka.

Lafta-Gareen oo mudo-xileedkiisa Koonfur Galbeed ugu eg December 2022, ayaa la sheegay inuu kursiga Gudoomiyaha Gollaha Shacabka la doonayo taliyaha Ciidanka Asluubta Taliye Shub, oo ah aabaha qabadha uu qabo, oo kursigiisa uu siiyay dhawaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.