Lafta-Gareen oo Xafladeynaya xili Gaajo shacabkiisa u dhimanayaan

Waxaa Baydhabo lagu qasaariyay malaayiin dollar, oo lagu badbaadin karay nolosha malaayiin ruux oo gaajo iyo haraad u dhimanaya abaarta darteed.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo Xafladeynaya xili Gaajo shacabkiisa u dhimanayaan

BAYDHABO, Soomaaliya - Baydhabo waxaa lagu burburiyay dhaqaale aad u badan oo malaayiin dollar gaaraya, taasoo Lafta-Gareen uga dabaal-degay munaasabadda sanad guuradiisa 3aad ee Madaxtinimadiisa Koonfur Galbeed.

Shalay waxaa baraha bulshadda lasoo geliyay muuqaallo qofkii leh dareen bini'aadanimo ka damqanaya, kuwaasoo muujinayay dad gaajo darteed Maqaar qalalan u cunaya iyo hooyo umul ah oo canugeeda gaajo u dhimanaya, oo aysan haynin wax ay siiso.

Xiligaasi Baydhabo waxaa ku qulqulayay wufuud diyaarado uga yimid gobolada dalka, oo xafladda Lafta-Gareen lagu casuumey, kuwaasoo huteello la dejiyay, ku cunaya dhaylo xili meel agtooda ah hooyo, aabe iyo carruur ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan, oo dhowr maalin afkooda biyo iyo cunto saarin.

Damqasho iyo dadnimo kuma jirto hogaamiyeyaasha Soomaaliya, waxaana illoobeen xisaabta aakhri iyo nolosha geeri ka dambeyso, loona su'aallo doono mas'uuliyadii umadda u hayeen, ee ay dacayeen. Xilka dalka Soomaaliya waxaa loogu fariistaa xoolo umadeeda ku boob iyo halagaa sheego.

Lafta-Gareen markii uu kursiga ku fariisanayay waxa uu u diidiyay dhiig badan, waxaa god ugu jira in ka badan 15 qof oo Muslim ah, oo naftooda inay go'ado uu mas'uul ka ahaa, waxaana hadda kuwa badan ay u dhimanayaan gaajada, isagoo wax u qaban waayay dadkiisa abaarta ku dhufatay.

Rooble, Deni iyo Qoor-Qoor oo mas'uuiyadahooda soo dayacay ayaa sidoo kale Baydhabo uga qeybgalay xafladda damaashaadka iyo baashaalka Lafta-gareen, waxay isku dhiira-gelinayeen dulmiga iyo dacaya dadka ay mas'uuliyadda u hayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.