Lafta-Gareen oo Xudur kusii jeeda

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kusii jeeda magaalada Xudur oo ah magaalo go'doon ku jirtaa, afarta jihana ay ka fadhiyaan Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo Xudur kusii jeeda

XUDUR, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kusii jeeda magaalada Xudur oo ah magaalo go'doon ku jirtaa, afarta jihana ay ka fadhiyaan kooxda manaxa-yaasha ah ee Al-Shabaab.

Toddobaadkan ayey dadka ku dhaqan sameeyeen Bannaan-bax weyn oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Lafta-gareen iyo kan Farmaajo, waxay ku Gar-naqsadeen in aan la tixgalin dadka ku nool magaaladan, waxay yiraahdeen "Madaxweyne Farmaajo in uu diyaarado ciidan ah ku daldalo magaalooyinka Gedo iyo Baladweyne oo ah dhul nabdoon, cadawna uusan joogin, inagana aan muddo saddex sano ah kabadan hareereesanahay oo afarta jiho ay cadaw naga joogaan ilaahay xaqiis ma ahan"

Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka Xudur ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore dowladda kala hadlay sidii magaalooyin badan oo gobolka Bakool kamida looga qeyb qaadan lahaa sidii xayiraada kooxda Al-Shabaab looga gacan siin lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.