Laftagareen oo dib ugu laabtay Muqdisho si uu qeyb uga noqdo ololaha doorashada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho isagoo qeyb ka noqonaya ololaha doorashada.

Warar Keydmedia Online
Laftagareen oo dib ugu laabtay Muqdisho si uu qeyb uga noqdo ololaha doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kamid ahaa Golihii wadatashiga qaran maalmahana ku maqnaa degaannada Koonfur Galbeed ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Socdaalka madaxweyne Laftagareen ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay Olilihii doorashada oo ka billowday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxa uuna latashiyo ugu tagayaa kooxda Farmaajo oo uu kamid yahay kuwa ka shaqeynaya dib usoo laabashada mar kale iyo Farmaajo.

Dhawaan ayey ahayd markii lasoo gudbiyay xubnihii guddiyada doirashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xalay gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashooyinka ku matalaya labadaas maamul.

Xubnaha uu soo gudbiyay Madaxweyne Cabdicasiis ayaa la aaminsan yahay inuu talo ku leeyahay Agaasimaha awodda badan ee Fahad Yaasiin, iyadoo socdaalka uu maanta ku yimid Muqdisho uu kula kulmi doono kooxda ay isku xulufada yihiin ee Fahad iyo Farmaajo

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.