Laftagareen oo isku dhiibay Itoobiya - (Faragalinta Abiy)

Laftagareen ayaa noqday agoon siyaasadeed kadib markii uu kursiga ugu sarreeya dalka ka degay Farmaajo doorashadii dhacaday 15-kii May 2022, wuxuu ku baraarugsan yahay daadadka uga imaan doona jilba-cusuta siyaasadeed ee gobollada Bay iyo Bakool.

Warar Keydmedia Online
Laftagareen oo isku dhiibay Itoobiya - (Faragalinta Abiy)

MUQDISHO, Soomaaliya –  Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ahaa adeegihii ugu weynaa ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa maanta u socdaalay Itoobiya iyadoo la filayo inuu gaaro magaalada Addis ababa.

Sida ay sheegayaan xogo ay heshay Keydmedia Online, diyaarad Military oo ay leeyihiin ciidanka Itoobiya ayaa Laftagareen dhawaan ka qaadday Baydhabo, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen saraakiil ka socday RW Itoobiya Abiy Axmed.

Ka hor socdaalkiisa Lafta-gareen wuxuu qalinka ku duugay heshiis aan la shaacin oo uu la galay saraakiisha ka socday Addis ababa, xiili todobaadyadii la soo dhaafay ay dagaallo kharaar xudduudka labada dal ku dhex mareen Al-Shabaab iyo Luyuu Boolis.

Laftagareen ayaa noqday agoon siyaasadeed kadib markii uu kursiga ugu sarreeya dalka ka degay Farmaajo doorashadii dhacaday 15-kii May 2022, wuxuu ku baraarugsan yahay daadadka uga imaan doona jilba-cusuta siyaasadeed ee gobollada Bay iyo Bakool.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan Laftagareen ka talo-galin magacaabidda Xukuumadda waxaana liiska Golaha Wasiirrada ka soo muuqday Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo in ka badan Saddex sano xabsiga u jiifay sabab la xariirta xukunka Laftagareen.

Muddo xileedka Madaxweynaha KGS ayaa ku eg dhamaadka sanadkaan, hayeeshee Laftagareen ayaa doonaya inuu ku darsado hal sano oo dheeraad ah, waana sababta uu isugu dhiibay Dowladda Itoobiya oo 19-kii December 2018 isaga kursiga u xoogtay.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto degmooyin ku yaalla Gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, si maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle looga xukumo Addis ababa, si la mid ah, sida Kenya u xukunto maamulka Jubaland iyo Axmed Madoobe.

Mustafa Maxamuud Cumar [Cagjar] ayaa dhawaan sheegay in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonaan gudaha Soomaaliya, hadalkaas ayaana sii xoojiyay shaki ku aaddan in dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis uu salka ku hayo dano siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa qudhiisa dhawaan gaaray magaalada Addis ababa halkaasoo uu kula kulmay Abiy Axmed iyo saraakiil kale. Tallaabada Itoobiya ayaa ka dhigan faro-galin qaawan, hayeeshee Dowladda federaalka ayaan wali ka hadlin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.