Loollan Fikir – Abuu Mansuur VS Al-Shabaab

Mukhtaar Roobow, waxaa loo magacaabay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Feeraalka Soomaaliya, xilkaas wuxuu sanadaha soo aaddan muhiim u noqon doonaa la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab ee loollanka dhanka hab-fikirka diinta.

Warar Keydmedia Online
Loollan Fikir – Abuu Mansuur VS Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda inuu ka dhabeynayo hadal uu dhawaan sheegay kaasoo ahaa in istaraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab lagu dari doono dagaal dhanka fikirka ah.

Madaxweynaha oo billowgii bishii hore hadal ka jeedinayay munaasabad uu qabtay mahcadka SETA ee dalka Turkiga, wuxuu xusay in dagaalka Military ee lagula jiro Al-Shabaab lagu kordhin doono mid fikir iyo mid dhaqaale, si cimrigooda loosoo gaabiyo.

Tallaabada shalay liiska Golaha Wasiirrada loogu daray, Amiir ku xigeynkii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa loo arkaa in Madaxweynuhu tallaabo u qaaday ka dhabeynta u jeedkiisa ah in loollan fikir lala galo Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow, waxaa loo magacaabay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Feeraalka Soomaaliya, xilkaas wuxuu sanadaha soo aaddan muhiim u noqon doonaa la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab ee loollanka dhanka hab-fikirka diinta.

Sidoo kale, talaabadaan ayaa la micno ah, ‘wacyigalin’ waxayna waddada u xaareysaa in hoggaanka Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab u soo wareegaan dhanka Dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay yaraadaan dadka ku biiraya Ururka.

Kooxda Al-Shabaab lama aysan kulmin loollan fikir diimeed oo barbar socda midka ay gudbinayaan, culimadu malahan ku-dhac ay runta ku wajahaan, yeelkeede, magacaabidda Mukhtaar Roobow waxa ay wiiqi kartaa awoodda kooxda iyo guud ahaan jiritaankooda.

Shantii sano ee la soo dhaafay, awoodda ciidan ee Kooxda xiriirrka la leh Al-Qaacida Al-Shabaab lama waxyeelleyn, mana jirin howl-gal weyn oo lagu qaaday, dhaqaale ahaanna si weyn ay u kordheen, maadaama loo oggollaaday in ay irid kasta canshuur ka qaadaan.

Maadaama Madaxweynuhu uu goobjoog ahaa tan iyo soo if-bixii Al-Shabaab, si weynna uu uga dharagsan yahay howl-galladii ka dhanka ahaa tan iyo xilligaas, wuxuu waqtigaan muhiimad weyn siinayaa in la hor istaago fikirka qaldan ee ay dadka ku duufsanayaam.

Ku dhawaad 15 sano Al-Shabaab waxa ay ahayd mushkilad amni oo dalka Soomaaliya, qaar ka mid ah waddamada dariska ah iyo guud ahaan Geeska Afrika ka aloosan, xoguhu waxa ay muujinayaan in shantii sano ee la soo dhaafay ay si weyn awood ahaan ugu bullaaleen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.