Ma jiro qof ka badbaadaya gacanta Fahad iyo Farmaajo

Allaha u naxariistee, waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Warar Keydmedia Online
Ma jiro qof ka badbaadaya gacanta Fahad iyo Farmaajo

BALADWEYNE, Soomaaliya – Sida ay xaqiijinayaan warar ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa goordhow qarax is-miidaamin ah lagu dilay Allaha u naxariistee, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, [U doodihii Ikraan Tahliil].

Xildhibaan Aamino, oo ka mid ahayd musharixiinta u tartamaya kursiga HOP#135, ayaa dhawaan sheegtay in ay cadaadis kala kulmeyso Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, kuwaas oo diiddanaa in ay dib ugu soo laabato baarlamaaka, gaar ahaan Golaha Shacabka.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay, waxaa baraha bulshada heystay farriimo ka imaanayay bulshada Soomaaliyeed, oo ku aaddan in hoggaanka Hirshabeelle iyo beesha leh kursiga, Xildhibaan Aamina, ku amaal-mariyaan dadaalkeedii ku aaddaana xaq raadintii Ikraan.

Sida ay KON, hore u baahisay Guudlaawe, ayaa aqbalay baaqii bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna gadaal uga gurtay qorshe Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku doonayeen in kursiga HOP#135, loo xiro Cumar Faaruuq, wuxuuna ballan qaaday doorasho daah-furan.

Sida ay rumeysan yihiin dadka la socda siyaadda Soomaaliya, gaar ahaa, siyaasadda aar-goosiga iyo kala adkaanshaha ku dhisan ee Kooxda Farmaajo, Xildhibaan Aamino, waxa ay ku baxday qorshe ay wax ka ogaayeen Fahad iyo Farmaajo oo naxariis darro ku suntan.

Sida la aaminsanaa xildhibaan Aamino, waxa ay kulamada baarlamaanka 11-aad ka furi lahayd doodo ka dhan ah, eedeysane Fahad Yaasiin, oo ay gacantiisa ku maqan tahay Ikraan Tahliil, kaas oo dhawaan kursi baarlamaan ka soo boobay Baldweyne.

Xildhibaan Aamina, waxaa lagu xasuustaa dadaalkeedii ku aaddana, sidii ay caddaalad ku heli lahaayen qowyska Ikraan Tahliil Faarax iyo sidii ay u garab istaagtay hooyooyinkii caruurtooda laga qeyb galiyay dagaalka sokeeye ee ka socda waqooyiga Itoobiya.

AUN, Aamino, waxa ay ahayd, haweeney u xijaabata si dhamestiran, doodaheedana ku saleysa qiyimka islaamka, waxayna wareysi ay bixisay dhawaan ku sheegtay in ay xifdisan tahay Quraanka Kariinka, maadaama ay hore u soo noqotay macaliad dusgi iyo Iskool.

Ma’aha qofkii koobaad oo sidaan oo kale ku dhinta, waxaana shanti sano ee soo dhaafay, kooxda Farmaajo, khaarijiyeen shaqsiyaad kaliya ka aragti duwanaa, kuwaas oo naftooda loo dhaafiyay in aysan ku qanacsaneyn sida Farmaajo iyo Fahad wax u wadaan.

Si aan qarsoodi lahayn, Kooxda waqtigu ka dhamaaday, waxa ay maanta ku fashilmeen in ay kursiga HOP063, u boobaan musharrax ay wateen, sidaas oo kale, kuraas kale ayay hore ugu hungoobeen, ma jirin fursad ay kaga adkaan kareen Aamina, waana sababta loo xaaqriyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.