Maalintii 1-aad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lasoo gabagabeeyay

Shirkii maanta ka furmay magaalada Muqdisho, ee ay isugu yimaadeen Golaha Wadatashiga Qaran, loogana arrinsanayay arrimaha doorashooyinka ayaa lasoo gabagabeeyay maalintiisii 1-aad

Warar Keydmedia Online
Maalintii 1-aad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lasoo gabagabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isfaham ku soo dhammaaday maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran sida uu warbaahinta usheegay Afhayeenka xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucallimuu.

Shirkan oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Roble ayaa looga hadlay dardargelinta doorashooyinka si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September 2020 & sidoo kale heshiiskii 27 -kii May 2021.

Shirka ayaa sii socon doona maalinta berri ah, iyadoo laga yaabo inuu qaato maalmo dheeri ah maadaama la isku dayayo in wax looga baddalo qodobo kamida kuwii horay loogu heshiiyay kuwaasoo ay saddex madaxweyne gadaal ka riixayaan, waxaana suurtagal ah ayaa la leeyahay in uu sii socdo shirka, iyadoo muddadii hore loogu qorsheeyay in ay doorashadu ku qabsoonto ay ka harsantahay wax ka yar muddo bil ah!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.